Yahuuda oo ka mamnuucday in gasa ay ka howlgasho hay’adda Qaramada Midoobay

0
69

Yahuuda ayaa mamnuucday dhulka ay xoogga ku heysato inay ka howlgasho hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Falastiiniyiinta , sida ay ansixiyeen Baarlamaanka Yahuuda.

Sharcigan waxaa lagu sheegay inuu burburinayo boqollaalka kun ee Falastiiniyiinta ku nool xeryaha qaxootiga ee ku yaal Daanta Galbeed, sidoo kale wuxuu sharcigan awood u siinayaa inay Yahuuda ka joojiyo adeegga hay’adan guud ahaan dhulka Falastiin oo ay Qasa ku jirto, taa oo dhalisanaysa xaalad dhimasho ah, maaddama kaalmada ay ku tiirsanyihiin Falastiiniyiinta ay ka timaado hay’adan.

Wakaaladda wararka ee Reuters , waxay sii deysay hadalka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo sheegaya ; “ Sharciga Yahuuda ee ka dhanka ah UNRWA wuxuu ku yeelan karaa cawaaqib xun qaxootiga Falastiiniyiinta.”

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here