Isfaham Cusub: Jubbaland iyo Puntland oo Si Buuxda U Soo Celiyay Xiriirkoodii Siyaasadeed

0
39

Kadib muddo dheer oo uu jiray madmadow siyaasadeed, waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), iyo Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni. Labada hoggaan ayaa si rasmi ah dib ugu soo celiyay isfahamkoodii siyaasadeed iyo xiriirka wada-shaqeynta ee labada maamul.

Wararka laga helayo ilo wareedyo rasmi ah oo ku sugan labada dhinac ayaa xaqiijinaya in kulamo hoose iyo is-fahanno siyaasadeed ay horseedeen in la dhameeyo kala aragti duwanaanshihii u dhexeeyay labada Madaxweyne. Waxaa la sheegay in wadahadallada u dambeeyay ay ahaayeen kuwo miro dhal ah, iyadoo lagu gaaray heshiis lagu xoojinayo midnimada, wada-tashiga iyo isku duubnida maamul goboleedyada dalka.

Khilaafka labada hoggaan, oo muddooyinkii u dambeeyay si hoose u sii socday, ayaa saamayn ku yeeshay arrimaha siyaasadeed ee guud ee dalka, gaar ahaan mowqifyada kala duwan ee ay ka qaadanayeen arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo arrimaha federaalka. Dib u soo celinta xiriirka labada maamul ayaa loo arkaa guul siyaasadeed iyo fursad cusub oo lagu xoojin karo wada-jirka Dowlad Goboleedyada.

Ilo-wareedyada RNN Somali TV ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay isku raaceen:

• In la adkeeyo xiriirka labada maamul.

• In si joogto ah loo yeesho wada-hadallo iyo is-kaashi.

• In si mideysan looga qeyb qaato arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Madaxtooyada Jubbaland iyo tan Puntland ayaan weli si rasmi ah u soo saarin war qoraal ah, balse waxa laga filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo kulan rasmi ah ama shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ula hadlaan warbaahinta.

Dib u soo noqoshada xiriirka siyaasadeed ee Jubbaland iyo Puntland ayaa la filayaa inay saameyn togan ku yeelato xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo caqabado badan oo la xiriira hannaanka federaalka, amniga, iyo dib-u-heshiisiinta qaran.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here