Gabar Soomaaliyeed ayaa muuqaal ay soo duubtay ku sheegtay in muddo 30 sano ah ay si joogto ah u biilinaysay qoyskeeda, balse mar keliya oo ay lacag la’aan dareentay, ay reerkoodu dayaceen oo aysan wax xiriir ah la yeelan.
“Markii aan lacag hayay, si joogto ah ayaa la iigu soo wici jiray, hadal wanaagsan ayaan maqli jiray. Balse markii aan lacagtii waayay, dadkii aan jeclaa iyo ehelkeygii waa iga jeesteen. Ma jiro qof i soo waca ama xitaa i xasuusta,” ayay tiri gabadha.
Waxay sidoo kale sheegtay in noloshu ay barayso in mararka qaar farxaddu aysan ka imaan dadka, balse ay ku timaaddo in la aqbalo xaqiiqada oo qofku lacagtiisa farxad ugu bedesho.
Hadalkan gabadha wuxuu si qoto dheer u muujinayaa niyad-jabka ay dareemayso iyo sida bulshada qaarkeed ugu xiran tahay xaaladdaada dhaqaale. Qisadan ayaa durba dareen xoog leh ku dhalisay baraha bulshada, iyadoo dad badani isku dayayaan inay la wadaagaan waaya-aragnimadooda la midka ah.
