Wednesday, March 19, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYXuutiyiinta Yemen oo shaaciyay in ay weerari doonaan Makaariibta mareysa Badda Cas

Xuutiyiinta Yemen oo shaaciyay in ay weerari doonaan Makaariibta mareysa Badda Cas

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqday inay la wareegeen waxay ku sheegeen markab laga leeyahay Israa’iil kaas oo ku sugnaa Badda Cas.

Afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yaxye Saree ayaa sheegay inay markabkan laga leeyahay Israa’iil ay geeyeen xeebaha dalka Yemen, balse Israa’iil ayaa beenisay in markabkaasu uu yahay mid iyagu leyihiin.

Dhammaadkii bishii Oktoobar, kooxda Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqday markii ugu horreysay inay Israa’iil la beegsadeen gantaallo badan iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Khilaafka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas ayaa ah sababta ay Xuutiyiintu u beegsanayaan Israa’iil.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments