Xubno katirsan Baarlamaanka JFS oo ka qeyb galay Shirweynaha Baaralamaanka Adduunka

0
138

Xubno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka JFS oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Abshirow ayaa ka qayb galay shirar doceedyo horudhac u ah shirweynaha Kalfadhiga 149-aad ee Baarlamaanka Adduunka.

Waftiga labada gole ee Baarkamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku matalaya shirka Baarlamaannada Adduunka, ayaa ka qayb galay shirka madasha Baarlamaannada Afrika, Madasha Haweenka Baarlamaannada iyo kulanka Baarlamaannada Islaamka oo la isku dhaafsaday xogo iyo warbixinno muhiim ah.

Si gaar ah waxaa shirarkaas diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Baarlamaannada Afrika, katashiga xaaladaha ka taagan Sudan, Congo iyo Galbeedka Afrika, doorka Haweenka ee Horumarinta nabadda, Cadaaladda iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin xaaladaha Falastiin iyo Lubnaan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here