XOG MUHIIM AH – Madaxweyne Deni oo qorsheynaya xilka-qaadis ballaaran

0
44

Warar lagu kalsoonaan karo oo naga soo gaaray xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu qorsheynayo inuu xilka ka qaado tiro badan oo ka mid ah Agaasimayaasha Guud, Maareeyeyaasha, iyo Taliyayaal ka tirsan hay’adaha dowladda Puntland.

Xogta aan helnay ayaa muujinaysa in go’aankan uu salka ku hayo shir gaar ah oo Madaxweyne Deni la yeeshay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland, kuwaas oo aan la shaacin magacyadooda sababo amni iyo is-xog-ilaalin ah.

👇 Liiska Agaasimayaasha iyo Mas’uuliyiinta la qorsheynayo in xilka laga qaado:

1. Agaasimaha Guud ee Maxjaradda Dowladda Puntland

2. Agaasime Kuxigeenka Maxjaradda Dowladda Puntland

3. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada

4. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka

5. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka

6. Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Biyaha

7. Maareeyaha Hay’adda MOC

8. Agaasimaha Guud ee Bangiyada

9. Agaasimaha Guud ee Dekedaha & Gaadiidka Badda

10. Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland

11. Kuxigeenka 2aad ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda

12. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada

13. Agaasimaha Guud ee Beeraha & Waraabka

14. Agaasimaha Guud ee Maaliyadda

15. Kuxigeenka Agaasimaha Madaxtooyada

16. Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Maaliyadda

17. Kuxigeenka Agaasimaha Dakhliga Maaliyadda

18. Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Wasaaradda Kalluumeysiga

19. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

20. Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

21. Agaasimaha Guud ee Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Puntland

Xogta ayaa intaa ku dareysa in madaxweynaha uu xulanayo agaasimayaal cusub oo leh khibrad, faham dowladnimo iyo waayo-aragnimo shaqo, si loo dardargeliyo shaqada hay’adaha Puntland.

Sidoo kale, talisyada booliska ee gobollada Nugaal, Karkaar, Bari iyo Haylaan ayaa la sheegayaa inay qayb ka noqon doonaan isbeddellada, haddii aan wax isbeddelin, sida dhowr jeer oo hore u dhacday.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here