Muqdisho – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda Beesha Hawadle ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, iyagoo si cad u muujiyay taageero siyaasadeed iyo garab istaag buuxa.
Xildhibaanada ayaa kulanka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, gaar ahaan NISA, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ee Al-Shabaab, waxayna balan qaadeen in ay door muuqda ka qaadan doonaan xoraynta deegannada wali ay ku dhuumaaleysanayaan haraadiga Khawaarijta.
Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa dhankiisa uga mahadceliyay xildhibaanada taageeradooda, isagoo sheegay in la garab istaagi doono ciidamada deegaanka ee Macawiisley, kuwaas oo halganka ugu jira sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha xagjirka ah.
Kulankan ayaa muujinaya midnimo iyo wada shaqeyn sare oo u dhaxeysa wakiilada shacabka iyo hay’adaha amniga, xilli uu socdo dagaalka adag ee lagu xoreynayo goobaha ay wali ka joogaan kooxda Al-Shabaab.
