Xildhibaanada Jubbaland oo weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh

0
22

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen degmada Doolow xildhibaanada Jubbaland, ayey uga hadleen dagaalkii saakay waaberigii hore ka dhacay xarunta Dowladda hoose ee degmada Baardheere, kaasi oo dhaliyay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Waxaana dadka ku dhintay kamid ahaa guddoomiyihii arrimaha bulshada degmada Maxamed Ileys Cagaare iyo labo ruux oo kale.

Xildhibaanada ayaa sheegay in ujeedka weerarkaas uu ahaa in colaad laga dhex abuuro bulshada walaalaha ah ee wada degan Degmada Baardheere Waxa ayna  ku tilmaameen tallaabadaasi mid loogu talagalay in shacabka la isku diro si loo fuliyo dano gaar ah, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaan shacabka ugu baaqeynaa  inay hal meel uga soo wada jeestaan isku dirka iyo iska hor keenka uu Xasan Sheekh doonayo ka dhex abuuro bulshada”.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay  ku adkeeyeen in dadka deegaanka ay mideeyaan xooggooda Isla markaana garbsiiyaan Maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyntii, Xildhibaanada ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii dadkii  ku geeriyooday dagaalkii saaka ka dhacay degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here