Xildhibaanada Golaha Deegaanka Bosaso oo Soo Galay Hoolka Kalfadhiga 36aad oo ay Ka Jirto Xiisad Mooshi

0
30

Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Bosaso ee gobolka Bari ayaa hadda si rasmi ah u soo galay hoolka shirarka, halkaas oo lagu wado in uu ka furmo kalfadhiga 36-aad ee golaha deegaanka. Kalfadhigan ayaa durba noqonaya mid xiisad leh, maadaama ay jirto buuq siyaasadeed oo salka ku haya mooshin la filayo in lagu soo bandhigo.

Ilo wareedyo ku sugan gudaha hoolka shirka ayaa RNN Somali TV u sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay wataan mooshin ka dhan ah hoggaan sare ama maamulka degmada, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin cidda bartilmaameedka u ah mooshinka.

Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya in ay jiraan isqabqabsi u dhaxeeya garabyo ka tirsan golaha deegaanka, taas oo sababtay in kulanku u furmo jawi siyaasadeed oo culus. Amniga hoolka ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo afaafka hore ee xarunta.

Mooshinka la filayo in lagu soo bandhigo ayaa noqonaya mid saameyn ku yeelan kara jihada siyaasadeed ee maamulka degmada Bosaso, gaar ahaan xilligan ay socoto xiisad siyaasadeed oo ka jirta qeybo ka mid ah Puntland.

Golaha deegaanka Bosaso ayaa ka mid ah goleyaasha ugu miisaanka culus ee deegaan ahaan u qaabilsan maamulka Puntland, waxaana go’aannadooda ay saameyn ku yeeshaan horumarinta, amniga, iyo maamulka degmada.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa xaaladda, waxayna idiin soo gudbin doontaa faahfaahin dheeraad ah marka uu kalfadhigu si rasmi ah u furmo, iyo wixii go’aan ah ee kasoo baxa.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here