Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Kenya Oo Caawa Lagu Dilay Magaalada Nairobi

0
79

Fiidnimadii Caawa ayaa dil qorsheysan loogu geystay mid kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Kenya, iyadoo falkaasi ka dhacay Jidka Ngong Road ee magaalada Nairobi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka uu fuliyay labo nin oo ku hubeysnaa bastoolado isla markaana watay mooto, kuwaas oo si deg deg ah uga baxsaday goobta markii ay fuliyeen weerarka.

Xildhibaanka oo magaciisa aan weli si rasmi ah loo shaacin, ayaa si deg deg ah loola cararay isbitaalka Nairobi Hospital, balse nasiib darro halkaas ayaa lagu xaqiijiyay geeridiisa.

Laamaha ammaanka ee Kenya ayaa bilaabay baaritaanno ku aaddan cidda ka dambeysay dilkan iyo sababaha ka dambeeya, iyadoo laga war sugayo warbixin rasmi ah oo kasoo baxda dowladda Kenya.

Waa dhacdo dareen iyo murugo badan ku reebtay shacabka Kenya, gaar ahaan xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta dowladda dhexe.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here