Xiisadda Ka Dhex Oogan Israa’iil iyo Iiraan oo Meel Xasaasi ah Maraysa

0
36

Dowladda Israa’iil ayaa si kulul u hadashay xalay iyadoo sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee ciidanka cirka ay hadda duqeymo la beegsadeen kaabayaasha milatari ee Tehran, caasimadda Iiraan. Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Israa’iil ayaa sheegay in howlgalladaasi yihiin “jawaab milatari oo la qorsheeyay” oo la xiriira weeraradii hore ee Iiraan.

Weerarkan cusub wuxuu imaanayaa iyadoo aan si dhab ah loo ogayn sababta keentay hadalka kulul ee Israa’iil, maadaama ay horay u muuqatay in Iiraan ay weerar culus ku qaaday Israa’iil iyadoon wax iska caabin muuqata ay kala kulmin Tel Aviv.

Dhanka kale, wararka laga helayo ilo diblomaasiyeed ayaa sheegaya in Iiraan ay wadatashi degdeg ah la sameyneyso dowladda Ruushka, taas oo muujineysa in Tehran ay isku dayeyso inay xakameyso jawaabteeda militari si aysan xaaladdu ugu sii fido gobolka oo dhan.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka ayaa warbaahinta u sheegay saacadihii u dambeeyay in Mareykanka “uusan weerar toos ah ku ahayn Iiraan, balse uu weerar ku yahay barnaamijkeeda Nukliyeer ah”. Hadalkan ayaa sababay falcelin badan, iyadoo dad badan isweydiinayaan waxa Mareykanka ka damacsan yahay mustaqbalka dhow.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay oo muddo aamusnayd ayaa la filayaa inay si degdeg ah uga hadasho xiisaddan isa soo taraysa. Inkasta oo la saadaalinayo in Golaha Amaanka uu soo saaro qaraar, haddana lama hubo sida uu u dhaqan geli doono ama in la tixgalin doono.

Saaka, Iiraan waxay ridday gantaal cusub oo loo bixiyay Khyber, taasoo keentay walaac cusub oo ah in habeenka caawa la filan karo mid kale. Israa’iil lafteedu waxay ku jirtaa heegan buuxa, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo militari laga dareemayo xuduudaheeda.

Xiisaddan cusub ayaa u muuqata mid u gudbi karta dagaal weyn haddii aan la helin xal diblomaasiyeed oo degdeg ah. Beesha caalamka ayaa looga fadhiyaa inay ka hortagto wax kasta oo horseedi kara is ballaadhinta colaadda ka dhex aloosan labada dal ee awoodda leh ee Bariga Dhexe.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here