Wefdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa gaaray dalka Turkiga, waxaana garoonka diyaaradaha ee Ankara ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin katirsan dalka Turkiga.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa la sheegay inuu martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa wadankaas Ali Yerlikaya.
Booqashada Wasiirka Amniga Soomaaliya uu ku tegay wadanka Turkiga oo qaadan doonta muddo laba maalin ah.
Waxa uuna kulamo lagu xoojino iskaashiga dhinacyada amniga, tababarada iyo wadashaqeynta labada dal,la qaadan doonaa dhiggiisa dalka Turkiga Ali Yerlikaya.