Saturday, March 15, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYWefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay'adda SoDMA oo gaaray degmada Jalalaqsi

Wefdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo gaaray degmada Jalalaqsi

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Safarka Guddoomiyaha ayaa daarran xoojinta dadaallada gargaarka banii’aadannimo ee dalka iyo u kuur galidda xaalada nololeed ee degmada iyo deegaannada ku xeeran, isagoo gargaar loogu tala galay dadka nugul oo daawo iyo cunno isugu jira ku wareejiyay hoggaanka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Hirshabeelle iyo maamulka degmada.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka, agaasimaha guud ee wasaaradda gargaarka & maareynta musiibooyinka Hirshabeelle Cabdifataax Maxamed Yuusuf, guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga guddoomiyaha ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jalalaqsi.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments

class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | İstanbul Escort | İstanbul Escort | porn sub ita | canlitv.watch | |