Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wefdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Itoobiya, ay ku wahan yihiin magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka.
Wefdiga ka socda Itoobiya oo isugu jira mas’uuliyiin kala duwan ayaa la qorsheynayaa in saacadaha soo socda ay soo garaan Muqdisho.
Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo sheegay in wefdiga Itoobiya ka socda uu hoggaaminayo Taliyaha ciidanka Itoobiya Gen. Burhan Julla iyo xubno kale.
Safarka wefdiga Itoobiya, ayaa waxaa la sheegay inuu daaran yahay dhameystirka joogitaanka ciidamada Itoobiya eek amid noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM.
Wixii kusoo kordho halka kala soco
