Saturday, February 22, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYWefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Geneva uga qeyb galay kulan muhiim...

Wefdi ka socda dowladda Soomaaliya oo Geneva uga qeyb galay kulan muhiim u ah dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta magaalada Geneva kaga qeybgalay wadahadallada ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Wadahadalladan, oo Soomaaliya muddo sugaysay, ayaa muhiim u ah dadaallada dalka ee lagu horumarinayo iskaashiga ganacsi iyo kobcinta dhaqaalaha.

Ku biirista WTO waxa ay Soomaaliya u sahlaysaa helitaanka suuqyo ganacsi oo caalami ah, xoojinta maalgashiga shisheeye, iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa horey uga mid noqotay ururrada gobolka sida East African Community (EAC) iyo Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA), kuwaas oo muhiim u ah xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka.

Sidoo kale, sanadkan 2025, Soomaaliya waxay xubin rasmi ah ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo muujinaysa doorka firfircoon ee dowladda Soomaaliya ay ka ciyaarayso arrimaha caalamiga ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments