Wefdi ka socda dowladda Azerbaijan oo soo gaaray magaalada Muqdisho

0
28

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wefdi uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibada ee Azerbaijan Yalchin Refiyey.

Wefdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyey wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.

Ujeedka ay u yimadeen wefdiga Azerbaijan si dhab ah looma oga, balse waxaa la filaya in ay kulamo la qataan madaxda dalka ugu sareeeysa, iyo safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaiya sida ay xogaha ay sheegayaan.

 

 

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here