Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wefdi uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibada ee Azerbaijan Yalchin Refiyey.
Wefdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyey wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad.
Ujeedka ay u yimadeen wefdiga Azerbaijan si dhab ah looma oga, balse waxaa la filaya in ay kulamo la qataan madaxda dalka ugu sareeeysa, iyo safiirka dalkaasi u fadhiya Soomaaiya sida ay xogaha ay sheegayaan.