Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYWasiirka maaliyadda XFS oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Imaaraatka Carabta

Wasiirka maaliyadda XFS oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Imaaraatka Carabta

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 9-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay  arrimaha horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo qorshayaasha maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah ay siinayso Xukumadda Dan Qaran.

Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga gudaha oo horseed unoqonaya horumar maaliyadeed.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments