Wasiirka Maaliyadda ee XFS oo shir muhiim ah uga qeyb galay dalka Algeria

0
61

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa dalka Algeria ugu  qeyb galay furitaanka Shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo Sanadkan lagu qabanayo Magaalada Algiers ee caasimadda Dalka Algeria.

Shirkaan oo socon doona muddo 4 maalmood ah ayaa waxaa maanta si rasmi ah u furay Ra’isul Wasaaraha Dalka Algeria Mudane Nadir Larbaoui, iyada oo shirka ay ka soo qeyb galeen dhammaan Wasiirada iyo Safiirada malatalayay Dalalka Islaamka iyo kuwa kale ee xubnaha ka ah Bangiga horumarinta Islaamka.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan, iyo Wafdiga uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan shirarka loo dhanyahay ee Bangiga H. Islaamka iyo kulamada gaarka ah ee ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka oo Dowladda Soomaaliya ay galisay dadaal dheer sidii loo heli lahaa mashaariic horumarineed oo dhinacyo badan ah ah.

Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) waxa uu ka mid yahay saaxiibada sida gaarka ah u taageera Dowladda Soomaaliya, sidoo kale gabagabada shirarka Bangiga ayaa la filayaa in ay ka soo baxdo natiijo muhiim ah ah dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo maalgalinta mashaariicda horumarineed ee Dalka.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here