Friday, November 22, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYWasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya oo la kulmay madaxa hay'adda UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya oo la kulmay madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macalin, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Leonel iyo xubno kale oo la socday.

Kulanka dhex maray Wasiirka Isgaarsiinta XFS iyo madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP Soomaaliya waxaa diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta iyo sara uqaadista Digital-ka Dalka.

Madaxa hay’adda UNDP ee Soomaaliya mr.Leonel ayaa balan qaaday inay wasaaradda kala shaqeyn doonaan sara uqaadista Degitaalka maadaama ay wasaaradu ka shaqeyso Howlaha ugu muhiimsan ee dhanka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Macalin ayaa dadaal adag ugu jira sidii loo tayeyn lahaa Teknolojiyada loogana faa’ideysan lahaa khuburada ka gacansiin karta howlaha la xiriirta Degitalka iyo guud ahaan Teknolojiyadda Dalka.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments