Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay Kulliyadda Ciidanka Lugta ee Ahmed Bin Mohammed Military College ee ku taalla dalka Qatar, isaga oo hoggaaminayay wafdi heer sare ah.
Wafdiga Wasiirka waxaa si diirran u soo dhaweeyay Taliyaha Kulliyadda Sareeyo Guuto Cali Maxamed Al-Fadaala, kaas oo ku wareejiyay qeybaha muhiimka ah ee Kulliyadda, sida goobaha tababarka, fasallada waxbarashada iyo xarumaha maamulka.
Intii uu jooggay Kulliyadda, Wasiir Fiqi waxa uu la kulmay layli-saraakiisha Soomaaliyeed ee halkaas wax ka barta, isaga oo ku boorriyay inay si buuxda uga faa’iideystaan fursadda waxbarasho ee ay heleen, si ay markay dalkooda kusoo laabtaan ugu biiraan dib u dhiska iyo tayaynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, una noqdaan hormuudka amniga iyo difaaca dalka.