Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya: “Ismana qabato Xamar ayay dowladda xukumi wayday iyo Sanaag ayay ciidan geysay”

0
29

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si cad uga hadlay eedeymaha loo jeedinayo dowladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha amniga ee gobollada Sanaag iyo Sool. Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin ciidan ay dowladda Federaalka geysay gobolladaas, isla markaana aysan muuqan sabab rasmi ah oo ciidamo loogu diri lahaa.

🔹 “Waxaa muuqata in dadka eedeymahan wada aysan haysan wax caddeyn ah, waxayna u muuqdaan kuwo aan haysan awood ay ku hor istaagaan rabitaanka shacabka deegaanka,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa cambaareeyay hadallo is-burinaaya oo mar lagu eedeeyo dowladda Federaalka in ay burburinayso nidaamka Federaalka, haddana lagu tuhmo inay dhiseyso dowlad-goboleed cusub.

🛡 “Nidaamka Federaalka waa mid dastuuri ah, dalkaana wuu qaatay. Hirgelintiisa iyo dhowristiisa waa waajib Qaran,” ayuu yiri Wasiirka, isagoo uga digay siyaasiyiinta mucaaradka ah inay marin habaabiyaan dadweynaha.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu muran ka taagan yahay faragelinta dowladda Federaalka ee arrimaha qaar ka mid ah gobollada dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here