Wasiirka Badroolka Soomaaliya oo raali gelin ka bixiyay tallaabo ay qaaday Wasaaradda

0
51

Wasiirka Badroolka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo goordhow la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa raali gelin ka bixiyay Maap-kii ay soo daabacday Wasaaradda ee shalay la soo bandhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in uu ahaa qalad ka dhacay kooxda farsamada ee Wasaaradda oo Map hore soo daabacay, waxa uu sidoo kale sheegay in uu ka xunyahay raali gelinna uu ka bixinayo.

Maamulada Puntland iyo Hirshabeelle ayaa si weyn u diiday qariidadda ay soo daabacday Wasaaradda oo uu ku jiray qaladaad badan oo gef ah, iyadoo HirShabeelle ku hanjabtay in ay shirka ka bixi doonto haddii aan raali gelin laga bixin.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here