Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa), ayaa si kulul u weeraray Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay in uu si ula kac ah u wado qorshe lagu burburinayo midnimada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Cabdi Juxa ayaa hadalkiisa ku sheegay:
“Xasan Sheekh QORI dab leh ayuu kula wareegayaa Puntland iyo Jubaland. Waa astaanta duminta, kicinta iyo kala qaybinta bulshada Soomaaliyeed.”
Eedeyntan ayaa imaneysa xilli uu sare u kacay khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyadoo maamulka Puntland si cad uga horyimid qorshaha doorashooyinka 2026 iyo dhismaha guddiyo cusub oo heer federaal ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa si toos ah u tilmaamay in Villa Somalia ay waddo siyaasad la mid ah “qori dab leh” oo uu u adeegsaday inuu muujiyo in dowladda dhexe ay xaalada si kas ah u hurinayso si loogu cabburiyo madax-bannaanida siyaasadeed ee maamulada dalka.
Warkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Puntland horey u diiday in ay ka qeyb gasho wada-hadalladii siyaasadeed ee u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyadoo dalbatay nidaam sharci ah oo si dhab ah u ilaaliya dastuurka ku meelgaarka ah iyo awood qeybsiga.
Villa Somalia weli kama aysan jawaabin eedeymaha wasiirka, balse arrintan ayaa sii hurin karta xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.
