Saturday, February 22, 2025
spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, oo ka qeyb galay Shirka CAADP...

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, oo ka qeyb galay Shirka CAADP ee Midowga Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Danjire Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay Shirka CAADP ee Midowga Afrika oo looga hadlayay barnaamijka horumarinta Beeraha Afrika, oo socday intii u dhaxeysay 9-11 Janaayo 2025.

Danjire Fiqi oo ay wehliyaan Xoghayaha Joogtada ah ee WAD & IC Mudane Xamse Xaadow iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Uganda Danjire Fadowsa Maxamed Qanyare, ayaa ka qeyb galay Kulammo muhiim ah oo ku saabsan Istiraatiijiyadda iyo Qorshe Hawleedka Tobanka Sano ee socda ee CAADP (2026–2035) iyo Baaqii Kampala CAADP.

Wafdiga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay dib u soo nooleynta Beeraha, kor u qaadista sugnaanta cuntada, iyo kobcinta iskaashiga Gobolka. Shirka ayaa laga soo saaray go’aanno muhiim ah iyadoo Soomaaliya ay kaalin mug leh ka qaadan doonto isbeddelka Beeraha Afrika.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments