Saturday, February 22, 2025
spot_img
HomeARIMAHA BULSHADAWasiir Karoore oo sheegay in la yaqaan dadkii dilay askarta qaranka, lana...

Wasiir Karoore oo sheegay in la yaqaan dadkii dilay askarta qaranka, lana hokeeni doono sharciga

Wareeto kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaarada arrimaha gudaha ee Hir-shabeelle, ayaa waxaa shaqada looga joojiyay guddoomiyihii degmada Ceel-baraf ee Sobolka shabeellaha Dhexe.

Shaqa joojinta lagu sameeyay guddoomiyihi degmada Ceel-baraf Xasan Xuurshoow, ayaa waxa ay la xiriirtaa falkii naxdinta lahaa ee maalin ka hor ka dhacay duleedka Degmada Ceel-baraf, isla markaana lagu dilay 6 askari oo katirsan ciidanka xoogga, kuwaasi oo aano qabiil loo dilay, xili ay ku sii jedeen gobolka Hiiraan.

Cabdi Daahir Guure Karoore, oo ah wasiirka wasaarada arrimaha gudaha ee maamulka Hir-shabeelle, ayaa sheegay in guddoomiye  Xasan  Xuurshow, uu gabay shaqadii loo idmaday, isla markaana shaki uu soo galay shaqadiisa.

Wasiir Karoore, ayaa xusay in la yaqaano ragii dilay askarta qaranka, isla maraakana lagu raad joogo, waxa uuna ugu baaqay beesha laga dilay askarta inay is dajiyo ayna ka war sugaan dedaalada ay wadaan Hir-shabeelle iyo Dowladda Federaalka.

“Dadka falka foosha xun geystay waa la yaqaan waana la soo qabana sida u dhaqsiyaha badan, way dhuunteen lakiin ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa Hirshabeelle ayaa ku raad jooga waana lasoo qabana sharciga ayaana la horkeenaya” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Hir-shabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore.

Sikastaba, ma ahan markii horeyso oo dhacdo noocan oo kala ah ay ka dhacdo deegaano katirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana xusid mudan tahay in sanad ka hor sidaan oo kale askar katirsaneyd  ciidanka Danab oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hiiraan, halkaasi lagu dilay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments