WASIIR FIQI OO U JAWAABAY MUCAAARADKA: “Waa Nimaan Ayaga La Samatabixiyo U Baahan!”

0
131

Muqdisho – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Fiqi), ayaa si adag uga jawaabay hadallo kasoo yeeray qaar ka mid ah mucaaradka, isagoo ku eedeeyay in ay yihiin koox aan garaneyn xaaladda dhabta ah ee dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Wasiir Fiqi ayaa hadalkiisa ku yiri:

“Xafiisyada ajnabiga waa isku ciriirinayaan, waana ku hor cabaadayaan marka madaxdii dalku ay casuuntana waa ka madax adaygayaan… Waa niman ayaga in la samatabixiyo u baahan!”

Hadalkan ayaa imaanaya xilli khilaaf siyaasadeed uu sii xoogeysanayo, islamarkaana laga hadlayo gogol uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku baaqay in la dhigo 15-ka bishan Juun si xal loogu helo kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka.

Wasiirka ayaa hadalkiisa u muuqday mid si gaar ah ugu duraya mucaaradka ku sugan gudaha iyo dibadda, kuwaasoo uu ku tilmaamay in aysan diyaar u ahayn xalka Soomaaliya, balse ku mashquulsan cadaadis iyo cambaareyn aan wax xal ah horseedeyn.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa jawaabaha iyo hadallada kasoo yeeraya dhinacyada siyaasadda, waxayna idiin soo gudbin doontaa wararkii ugu dambeeyay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here