Wasiir Fiqi oo kulan xasaasi ah la qaatay madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya

0
87

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, oo ku sugan magaalada Nairobi, ayaa la kulmay madaxweyne ku-xigeenka waddanka Kenya Kithure Kindiki.

Kulanka dhex-maray Wasiir Fiqi, iyo madaxweyne ku-xigeenka Kenya, ayaa waxa ay uga wadahadleen arrimo la xiriira sare u qaadista xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeya Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Kithure Kindiki, ayaa sheegay in Kenya ay xoojin doonto  xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga gobolka.

Sikastaba, wasiir Fiqi, ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu kulamo kala duwan ka waday magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, iyada oo kulmadaasi ay inta badan ay ahayeen kuwa lagu xoojinayay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here