Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ( Fartaag) oo wali kulamo kala duwan ka wada degmada Garbahaareey, ayaa xili uu la hadlayay bulshada Magaalada Garbahaareey, waxa u sheegay in sababta ka dambeysay ka bixitaanka ciidanka xoogga deegaanka Raaskambooni, ay aheyd amar ay soo sareen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo aheyd in ciidanka xooga aysan dagaal la galin ciidanka Jubbaland, isla markaana deegaanka ay dib uga soo baxaan.
Wasiir Fartaag, ayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ku eedeeyay in muddii uu xilka hayay inuusan dagaal ku qaadin degmada Jamaame oo 60km u jirta Magaalada Kismaayo, balse ay la yaab tahay inuu ku duulay ciidanka dowladda oo ku sugan deegaan 300km u jira Magaalada Kismaayo
Sidoo kale wasiir Fartaag, ayaa shacabka reer Gedo ugu baaqay inay codkooda xor u noqdaan ayna ka tashadaan aayahooda.
Hadalka wasiir Fartaag, ayaa ku soo aadaya maalin kaddib markii madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan uu ku eedeeyay xubnaha ka socda dowladda federaalka ee ku sugan Magaalada Garbahaareey, inay dab ku sii hurinayaan khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.