Wasiir Fartaag: “Dowladda iyo Jubbaland isma diidana; hal nin oo la yiraahdo Axmed Madoobe ayaa kaliya diidan. Haddii uusan imaan, talo ayaa laga qaadanayaa.”

0
33

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin wax khilaaf ah oo rasmi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, balse waxa uu tilmaamay in khilaafka uu yahay mid qof gaar ah oo lagu magacaabo Axmed Madoobe uu sabab u yahay.

“Dowladda iyo Jubbaland isma diidana. Hal nin oo la yiraahdo Axmed Madoobe ayaa dowladda diidan. Haddii uusan imaan, talo ayaa laga qadaa,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, gaar ahaan arrimo la xiriira wada-shaqeynta iyo ka qeybgalka hanaanka siyaasadeed ee dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here