Wasaaradda Maaliyadda oo joojisay sharci darrana ku tilmaamyay khidmadaha Buugga Caafimaadka

0
29

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa joojisay khidmadaha la xiriira Buugga caafimaadka ee laga rabo rakaabka  soo geliya ama ka baxaya garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,  kaasi oo maanta ay ku soo rogtay wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda maaiyadda ayaa lagu sheegay in dib u-eegis lagu sameeyey go,aanka Machadka Caafimaadka iyo wasaaradda Caafimaadka, kaasi oo la sheegay  in la rabay  inuu dhaqan galo 03 Febaraayo 2025.

“khidmadaha la-xiriira buuga caafimaadka ee rakaabka ka-baxaya iyo kuwa soo-galaya Dalka ee la tilmaamay inay dhaqan-galayaan 03 Febaraayo 2025, waxa ay yihiin, loona aqoonsaday waxba kama jiraan, si waafaqsan Sharciga Maamulka Dakhliga 2019, iyo Qaraarka Golaha Wasiiradda ee Maamulka Khasnadda Midaysan ee 21 Agoosto 2024. Sidaa darteed, ururinta khidmadaha noocaas ah waa in la joojiyaa”. Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda maaliyadda

Sidoo kale wasaaradda Maaliyadda,  ayaa sheegtay in waxba kama jiraan uu yahay khidamaha la xiriira Buugga Caafimaadka ee laga rabo rakaabka dalka soo gelaya ama ka baxaya.

Wasaaradda ayaa fartay in dhammaan hay’adaha ay khuseeyso arrintan si degdeg ah loo joojiyo ururinta khidamaha cusub.

 

475979416_1048490587322880_277099905354894915_n-237x300 Wasaaradda Maaliyadda oo joojisay sharci darrana ku tilmaamyay khidmadaha Buugga Caafimaadka 475638800_1048504877321451_4676237129049117900_n-235x300 Wasaaradda Maaliyadda oo joojisay sharci darrana ku tilmaamyay khidmadaha Buugga Caafimaadka

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here