Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS oo si Rasmi ah u Shaacisay Dhameystirka Wejiga Koowaad ee Sahminta Shidaalka Badda Soomaaliya

0
38

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15-ka Juun 2025 si rasmi ah u shaacisay in la dhameystiray wejiga koowaad ee sahminta shidaalka badda Soomaaliya, taasoo ah guul muhiim ah oo u gogol xaaraysa horumarinta khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda, sahmintan oo ay fulinayeen khubaro Soomaaliyeed iyo kuwo caalami ah ayaa diiradda saartay baarista xogta juqraafiga iyo cilmibaarista dhulka hoostiisa badda, iyadoo la adeegsanayay qalab casri ah iyo farsamooyin heer sare ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay in dhammaan xogta lasoo ururiyey ay muujinayso rajo wanaagsan oo ku saabsan jirka ceelal shidaal oo laga heli karo qaybo kamid ah badda Soomaaliya. Wuxuu xusay in sahmintu ahayd mid waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah, iyadoo ay qeyb ka ahaayeen la-taliyayaal madax bannaan oo hubinaya daahfurnaanta iyo tayada howsha.

“Tani waa guul weyn oo ah tallaabo horey loo qaaday, taasoo muujinaysa sida ay Dowladda Federaalka uga go’an tahay horumarinta dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah ee ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay bilaaban doonto wejiga labaad ee sahminta – kaas oo diiradda saari doona baaritaan qoto dheer, qiimeyn farsamo, iyo diyaarinta jawi sharciyeed oo suurtagelin kara maalgashi toos ah.

Howshan sahminta shidaalka ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo ilaha dhaqaalaha si loo helo dakhli joogto ah oo lagu taageero adeegyada dowladda iyo kobaca guud ee dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here