Saturday, November 23, 2024
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYWasaaradaha arrimaha dibadda Denmark iyo Soomaaliya oo isweydaarsaday qoraallo rasmi ah

Wasaaradaha arrimaha dibadda Denmark iyo Soomaaliya oo isweydaarsaday qoraallo rasmi ah

Ilo wareedyo xog-ogaal ayaa inoo sheegay in Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Denmark iyo Soomaaliya ayaa isweydaarsaday qoraallo rasmi ah, oo ku saabsan hadalki uu safiirka Denmark ku sheegay dal madax banaan Somaliland xili uu magaalada Hargeysa toddobaadkan uu uga qeybgalyey kormeero doorashooyinka Somaliland, taasoo walaac ku abuurtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo u aragtay inau liddi ku tahay gobonnimada wadanka .

Isweydaarsigan ayaa daba socday warqad uu wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya u diray safiirka Denmark, oo uu ugu yeeray danjiraheeda si wax looga weydiiyo tallaabooyinka ay dhibsatay dowaldda federaalka.

Dowladda Denmark ayaa qoraalkeeda ku muujisay raalli-gelin horudhac ah iyo inay ka garowday gefka diblumaasigeeda, iyadoo aqoonsan xasaasiyadda arrimaha la xiriira hadalka safiirkooda.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in safiirka Denmark uu talaadada soo aaddan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya si loo wadahadlo loona faahfaahiyo arrinta. Kulankan ayaa la filayaa inuu noqdo mid lagu xoojinayo wadahadallada furan, laguna caddeeyo mowqifyada labada dhinac si loo adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed.

Wasiirka arimaha Dibadda ahmed Moalim Fiqi ayaa shalay sheegay iney talaabo ka qaadi doonaan safiirka Danishka oo meel uga dhacay qaranimada dalka sida u yiri.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments