WASAAARDDA KALLUUMEYSIGA SOOMAALIYA OO HESHIIS MAALGASHI LA SAXIIXATAY SHIRKAD TURKI AH

0
42

Muqdisho – Wasaaradda Kalluumeysiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u saxiixday heshiis iskaashi iyo maalgashi la xiriira horumarinta kaabeyaasha kalluumeysiga dalka, iyadoo la kala saxiixday shirkadda weyn ee OYAK oo ka dhisan dalka Turkiga.

Heshiiskan ayaa diiradda saaraya:

• Dhisidda warshado casri ah oo lagu farsameeyo kalluunka

• Horumarinta kaabeyaasha kalluumeysiga sida dekedaha kalluumeysiga iyo suuqyada

• Kobcinta shaqo-abuurka iyo kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka Soomaaliya

Waxaa heshiiska u saxiixay dowladda Soomaaliya Wasiirka Kalluumeysiga Axmed Xasan Aaden, halka dhanka shirkadda Turkiga uu u saxiixay Madaxa OYAK Sermaye Yatırımları Anonim Şirketi.

Tani waxay ka mid tahay dadaallada dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu jirto horumarinta ilaha dhaqaalaha dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan qaybta kalluumeysiga oo ah mid muhiim u ah koboca dhaqaale iyo shaqo abuurka bulshada Soomaaliyeed.

Heshiiskan wuxuu sare u qaadi doonaa xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana la rajeynayaa in laga miro-dhaliyo wax-soo-saarka kalluunka, taas oo horseedi doonta isbeddel muuqda oo ka dhaca qaybta kalluumeysiga.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here