Warqad Kasoo Baxday Xafiiska Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Dib u Fasaxday Xildhibaanno Hakad Lagu Saaray

0
63

Muqdisho – Warqad rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha, ayaa maanta lagu shaaciyay in xildhibaanno dhowaan laga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada dib loogu oggolaaday inay markale ka qeybgalaan shaqada Golaha Shacabka.

Go’aankan ayaa imaanaya kadib wadahadallo hordhac ah oo u dhexeeyay Guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanno mucaarad ah, kuwaas oo looga golleeyahay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira Golaha.

Warqadda ayaa lagu xusay in dib-u-fasaxa xildhibaannadan uu yahay tallaabo lagu xoojinayo wadashaqeynta iyo midnimada xubnaha Golaha Shacabka, iyadoo la filayo in dhammaan dhinacyadu ay ka wada shaqeeyaan maslaxadda guud ee dalka.

RNN Somali TV ayaa si dhow ula socon doonta tallaabooyinka xiga iyo kulamada Baarlamaanka ee la filayo in dib loo bilaabo maalmaha soo socda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here