Warbixin Murugo Leh: Abdi Isaaq Xasan oo Lagu Dilay Koonfur Afrika, Xubno Jirkiisana Lagala Baxay

0
150

Koonfur Afrika – Abdi Isaaq Xasan, oo ahaa nin Soomaali ah oo 30 jir ah, aabbe u ahaa laba gabdhood, ayaa si naxdin leh loogu dilay dalka Koonfur Afrika kadib markii uu ka diiday koox burcad ah inay ka dhacaan gaarigiisa.

Kooxdan oo la sheegay inay yihiin dhalinyaro madow ah oo u dhashay Koonfur Afrika, ayaa toogtay Abdi kadib markii uu ka hor yimid fal dambiyeedka. Waxaa dhacday dhacdo ka sii murugo badan – inta aan la aasin maydkiisa, waxaa lagala baxay wadnaha, beerka, iyo kilyaha, taasoo cabsi iyo shaki weyn ku abuurtay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Abdi wuxuu ahaa nin masuuliyad badan oo nolosha guriga si buuxda u hayay. Xaaskiisa waxay ahayd umul (umushay), isagoo sidoo kalena daryeelayay hooyadiis indhool ahayd, taasoo uu u ahaa indhaha iyo iftiinka nolosha.

Su’aal La Is Weydiinayo:

Maxay tahay sababta dowladda Koonfur Afrika aysan mudnaan u siinin amniga dadka ajnabiga ah, gaar ahaan Soomaalida?

Soomaalida ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay dilal, dhac, iyo xadgudubyo joogto ah iyadoo badanaa la’aan yahay cadaalad iyo ilaalin rasmi ah.

Waxaa sii kordhaya cabashooyin sheegaya in xubnaha dadka Soomaaliyeed iyo ajnabiga kale lagu beegsado falal argagax leh oo lala xiriirinayo shabakad si qarsoodi ah u shaqeysa oo xubnaha dadku uga dhoofiya dalkaas, iyadoo la sheegayo in dhaqaatiir u dhashay Hindiya ay yihiin kuwa ugu badan ee dalbanaya xubnahaasi, loona dhoofiyo si loo isticmaalo.

Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo hay’adaha u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa ugu baaqaya dowladda Koonfur Afrika iyo beesha caalamka in si degdeg ah baadhitaan madax bannaan lagu sameeyo falalkaas, loona xaqiijiyo in la helo cadaalad iyo badbaado dadka ajnabiga ah, gaar ahaan Soomaalida oo si gaar ah u bartilmaameedsan yihiin.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here