Sunday, February 23, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYWararkii ugu dambeeyey dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo ku dagaalamay G/Baay

Wararkii ugu dambeeyey dagaalamayaal katirsan Al-shabaab oo ku dagaalamay G/Baay

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal dhex-maray dagaalamayaal katirsan kooxda Al-shabaa, kaasbi oo ka dhacay deegaanka Ceeldhuun-adeegow oo qiyaastii 42km u jira magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah Koonfur Galbeed

Warkan ayaa waxaa baahiyay  TV-ga maamulka Koonfur galbeed, waxa uuna sheegay in dagaalka dhex-maray dagaalamayaasha Al-shabaab, uu salka ku hayo arrimo la xiriira dhaqaalo oo ay kooxdu ka qaaday dad shacab ah.

Sidoo kale dagaalka ayaa waxa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, oo soo kala gaaray kooxdu, waxaana tirade dhimashada iyo dhaawac la sheegaya in ay yihiin sodomeeyo.

Geesta kale TV-ga ayaa sheegay in xubnaha dagaalkaasi ku dhintay ay ku jiraan rag Amiiro ah oo magac ku lahaa deegaanka Ceeldhuun-adeegow, sida ay ka haleen ilo wareedyo ku sugan deegaanka.

Deegaanka Ceeldhuun-adeegow, ayaa kamid ah deegaanada ay in muddo ah ka talinayaan kooxda Al-shabaab, waxa uuna deegaankasi kamid yahay deegaanada ay ku xoogan yihiin kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo kamid Degmooyinka maamulka Koonfur galbeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments