Saturday, March 15, 2025
spot_img
HomeWARARKII UGU DANBEEYAYWararkii ugu dambeeyey dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Awdheegle

Wararkii ugu dambeeyey dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degmada Awdheegle

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ku biloowday qaraxyo ay saakay Al-shabaab ku qadeen saldhig ciidanka dowladda ay ku lee yihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan laiskuna adeegsanayay hubka culus ayaa  socday muddo ka badan sacaad sida dadka deegaanka ay inoo shegeen.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ee labada dhinac soo kala gaaray.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay  si geesinimo leh u fashiliyey isku day weerar oo ay Al-shabaab ku doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka ku dhaqan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

“Maleeshiyaadka Khawaarijta oo weerarka ku soo qaaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa la kulmay iska caabin xooggan oo ay kala hortageen geesiyaasha Xoogga Dalka. Ciidamadu waxay si feejigan u ogaadeen dhagarta cadowga, iyagoo halkaasi ku gaarsiiyay jab culus, islamarkaana baacsanaya firxadka naf-la-caariga ah ee ka haray weerarka.” Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxya dowladda federaalka.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in Degmada Awdheegle weli uu ka socdo howlgalka lagu baadi goobayo dagaalyanadii shabaab katirsanaa ee weerarka soo qaaday.

Sikastaba, xaalada degmada Awdheegle, ayaa kacsan waxaa ciidanka dowladda halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaq ciidan, oo ay ku doonayaan in ku xaqiijiyaan amniga degmada.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments

class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | class 76 unblocked | drive mad unblocked 76 | unblocked games 76 | İstanbul Escort | İstanbul Escort | porn sub ita | canlitv.watch | |