Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Duqeyn diyaaradeed oo xalay ka dhacday gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaana agagaarka Sablaale ee katirsan gobolkaasi.
Duqeynta ayaa sida wararka ay sheegayaan waxaa lagu dilay xubno sare oo katirsanaa madaxda kooxaha AS iyo dagaalyahano katirsan kooxdaasi.
Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in 6 xubnood oo sare ay duqeyntan ku geeriyoodeen, kuwaas oo muhiim u ahaa kooxda AS, si gaar ahna ay ku jiraan Horjoogayaashii u qaabilsanaa Gobolka Banaadir.
Dhinaca kale wali saraakiisha ciidanka dowladda faah faahin dheeraad ah kama aysan bixin duqeyntaas iyo khasaaraha dhabta ah ee ay geystay.
Sikastaba maalmihii lasoo dhaafay dowladda soomaaliya oo kaashaneysa saaxiibadeeda caalamka ayaa kordhisay weerarada iyo duqeymaha ay la beegsaneyso goobaha ay kooxda AS, ay kaga sugan yihiin qaar kamid gobollada Dalka.