Wararkii ugu dambeeyay dab khasaaro geystay oo ka kacay Suuqa D/Wanlaweyn

0
58

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab khasaaro geystay oo xalay saqdii dhexe ka kacay suuqa Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dabka ayaa waxaa la sheegay inuu geystay khasaaro hantiyadeed oo aan wali la heynin inta ay la eg tahay, iyada oo inta badan ay bas beeleyn dhammaan goobihii ganacsiga ee suuqa ku yaallay.

Suuqa xalay gubtay ayaa lagu magacaaba Suuqa Tumaasha, waxa uuna ka mid ahaa Suuqyada waa weyn ee Degmada Wanlaweyn ee Shabeellaha Hoose.

Sawirro laga soo qaaday Suuqa ayaa muujinaya in dabka uu geystay khasaaro lixaad leh, balse lama soo warin mid nafeed.

Maamulka Degmada, ayaa ka qeyb qaatay daminta dabka.

Wixii ku soo kordho warkan halkan kala soco.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here