Muqdisho, 14 May 2025 – Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliyeed ayaa maanta si wadajir ah u soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadleen xaaladda siyaasadeed, amni iyo bani’aadanimo ee cakiran ee uu dalku wajahayo. Waxay si adag u dhaleeceeyeen hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku eedeeyey inuu dayacay mas’uuliyaddii looga fadhiyey, kuna guuldarreystay inuu mideeyo dalka.
War-saxaafadeedka oo ay si wadajir ah u saxiixeen siyaasiyiin horey u soo noqday madaxwayneyaal, raiisul wasaarayaal iyo masuuliyiin sare ayaa lagu sheegay:
Tacsi iyo walaac laga muujiyay xaaladda dabiiciga ah:
Mucaaradku waxay tacsi u direen qoysaskii ku geeriyooday daadadkii roobabka lixaadka lahaa ee ka da’ay Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ah. Waxay sheegeen inay si weyn uga walaacsan yihiin dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada, iyadoo aysan jirin qorshe dowladeed oo ka jawaabaya xaaladdaas.
Dhaliil adag oo loo jeediyey Madaxweynaha:
Waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha inuu ka weecday dariiqa wadatashiga qaran, isla markaana uu doorbiday dano siyaasadeed iyo kooxeysi halkii uu noqon lahaa hoggaamiye mideeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo mucaaradka. Waxa kale oo lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si khaldan u maareeyey arrimaha dalka, taas oo sababtay guuldarrooyin ciidan iyo kor u kac ku yimid dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.
Baaqyo iyo talooyin la jeediyay:
1. Dib u bilaabidda wadatashiga siyaasadeed: Waxaa la dalbaday in si degdeg ah loo bilaabo wadatashi qaran oo ay ka qayb galaan dhamaan saamileyda siyaasadeed si loo badbaadiyo nidaamka Federaalka.
2. In la joojiyo faragelinta maamulka Jubbaland: Mucaaradku waxay uga digeen Madaxweynaha inuu sii huriyo xiisadaha siyaasadeed ee Jubbaland.
3. Taageerada Mareykanka la bogaadiyay: Waxay soo dhaweeyeen mowqifka dowladda Mareykanka ee diidmada talooyinka siyaasadeed ee aan loo dhameyn.
4. Doorashooyin lagu qanco oo laga qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed: Waxaa madaxda maamuladaas laga codsaday in ay u hoggaansamaan dastuurka oo aysan ku garabsiin Madaxweyne Xasan burburinta nidaamka Federaalka.
5. Baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo musuqmaasuqa iyo hantida dalka la boobay: Waxaa codsi loo jeediyay guddiga khubarada Qaramada Midoobay si loo baaro musuqmaasuqa baahsan iyo saameynta uu ku leeyahay amniga qaranka.
Saxiixayaasha War-saxaafadeedka waxaa ka mid ah:
• Sheekh Shariif Sheekh Axmed
• Shariif Xasan Sheekh Aadan
• Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan
• Maxamed Xuseen Rooble
• Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke
• Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
• Xasan Cali Khayre
• Cabdiweli Sheekh Axmed
• Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
• Amb. Axmed Ciise Cawad
• C/qaadir Cosoble Cali
• Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed
• Dr. C/naasir Cabdulle Maxamad
• Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji
