Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan gaar ah oo albaabadu u xirnaayeen, kaasoo ay iskugu yimaadeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka Madasha Samatabixinta Dalka, oo uu hogaaminayo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Shirkan ayaa ahaa kullankii saddexaad ee ay yeeshaan labada dhinac, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray:
1. Khilaafka ka taagan hanaanka doorashooyinka dalka
2. Wax ka beddelka dastuurka qabyo-qoraalka ah
3. Xoojinta midnimada iyo wadajirka dalka Soomaaliya
Sida laga soo xigtay ilo wareedyo xog-ogaal ah, kulanka maanta ayaa si nabdoon ku soo dhammaaday, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay labada dhinac si wadajir ah uga soo saaraan war-saxaafadeed rasmi ah, oo laga akhriyo Villa Somalia iyo xarunta Madasha Samatabixinta.
Kulamadan xiriirka ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafaadka siyaasadeed ee hareeyay hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.