Garoowe – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dhoweeyay magaalada Garoowe Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Soo dhoweynta waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo ku muujiyay sida ay u tahay munaasabad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowlad-goboleed.
Labada madaxweyne ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan muhiim ah, oo diiradda lagu saari doono arrimo ay ka mid yihiin:
• Xoojinta xiriirka labada maamul,
• Ammaanka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada,
• Hanaanka siyaasadeed ee dalka,
• Iyo doorka dowlad-goboleedyada ee dib-u-habaynta dastuurka.
Kulanka ayaa imaanaya xilli uu dalku wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo isbeddelaya, waxaana la saadaalinayaa in wadahadalladoodu saameyn ku yeelan karaan arrimaha federaalka.