Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa si rasmi ah loogu soo dhoweeyay dalka Talyaaniga, isaga oo booqasho ku tegay xarunta taliska ciidamada dalkaasi.
Booqashada Jeneraal Odowaa ayaa qeyb ka ah xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhanka milatariga iyo la-dagaalanka kooxaha argagixisada.
Taliyaha Ciidamada Talyaaniga, General Luciano Portolan, ayaa si diirran u qaabilay Jeneraal Odowaa, waxaana ay kawada hadleen:
• Xoojinta iskaashiga milatari ee labada dal
• Taageerada Talyaanigu siiyo ciidamada Xoogga Soomaaliya
• Tababarrada iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya
• Doorka Talyaanigu ku leeyahay sugidda amniga gobolka
Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay socdaan dadaallo ballaaran oo lagu dhisayo awoodda ciidamada Soomaaliya, si ay ula wareegaan amniga guud ee dalka.
Waxa la filayaa in Jeneraal Odowaa uu sidoo kale la kulmo saraakiil sare iyo hay’ado kale oo Talyaani ah inta uu joogo dalkaasi.