WAR DEG-DEG AH — Madaxweyne Siciid Deni oo Amar Ku Bixiyey in Ciidamada Cabanaya Loo Soo Wareejiyo Garoowe si Loo Daryeelo

0
34

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta amar ku bixiyey in ciidamada ku sugan magaalada Boosaaso ee cabashada ka muujiyey adeegyada caafimaadka loo soo raro magaalada Garoowe si loo hubiyo xaaladooda caafimaad, daryeel iyo wax kasta oo baahiyahooda la xiriira.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa maalmahii u dambeeyey ka cabanayey adeeg la’aan dhinaca caafimaadka ah iyo daryeel la’aan guud, taasoo keentay in arrintooda si deg-deg ah loo xalliyo.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay:

“Ciidamadu waa laf-dhabarta ammaanka Puntland, daryeelkooda caafimaad waa waajib nagu ah. Waxaan faray in si deg-deg ah loo geeyo Garoowe si loo baadho xaaladooda loona siiyo daryeel buuxa.”

Tallaabadan ayaa timid kadib markii warbixino laga helay saraakiisha ciidamada iyo maamulka Boosaaso ay muujinayeen cabashooyin ka imaanayey qaar kamid ah ciidanka ku sugan halkaas, kuwaas oo u baahnaa adeegyo caafimaad iyo taageero nafaf iyo maskaxeedba ah.

Saraakiil caafimaad iyo kuwa amni ayaa la faray in ay si dhow ula socdaan ciidamadan, iyadoo la filayo in Garoowe lagu sameeyo baaritaan caafimaad iyo qiimeyn ballaaran.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here