Madasha Mucaaradka ee Satamabixinta Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan kala dirista Golaha C6+, kaas oo ah koox wakiillo caalami ah oo ay ku mideysan yihiin dalal taageera Soomaaliya.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay Madasha ayaa lagu sheegay in tallaabada dowladda ay tahay “isku day uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uga fakanayo go’doon siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.”
Madasha ayaa ku tilmaantay go’aankaasi mid dhaawacaya xiriirka Soomaaliya la leedahay beesha caalamka, gaar ahaan waddamada door muhiim ah ka ciyaara taageerada siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee dalka.
Qoraalka Madasha waxaa lagu yiri:
“Tallaabadan waa mid aan mas’uuliyad ku saleysneyn, waxayna muujinaysaa cabsi siyaasadeed oo ku fidaya Madaxtooyada. Dowladda ha joojiso weerarka ay ku heyso saaxiibbada beesha caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya.”
Madasha ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka inaysan oggolaan in xiriirka laga jarayo si guud, balse ay si toos ah u la macaamishaan hay’adaha iyo bulshada Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta dimoqraadiyadda iyo xasilloonida.
Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay si weyn u sii cakirnayd, iyadoo khilaafyo siyaasadeed, loollanka awoodda, iyo cadaadiska ka imanaya mucaaradka ay sii hurinayaan walaaca ay qabaan daneeyayaasha gudaha iyo dibaddaba.