Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, isaga oo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee taagan iyo baahida loo qabo shir wadatashi qaran oo dhab ah.
Intii uu socday wadahadalku, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhimadda ay leedahay in si degdeg ah loo qabto madal loo dhan yahay, taas oo si dhab ah looga tashanayo arrimaha mudnaanta leh ee dalku wajahayo — sida dhamaystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahaceliyey Beesha Caalamka sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in laga fogaado shirar u muuqda kuwo hal dhinac ah, lagana shaqeeyo isfaham dhab ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Shirkan cusub ee ay Jubaland iyo Beesha Caalamka ku baaqeen ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid barbar socda gogosha uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku baaqay, balse hadda u muuqda mid baaqday ama aan helin kalsoonida dhammaan dhinacyada muhiimka ah.