Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay xarunta war-laliska casriga ah ee ugu horreysa dalka muddo ku siman 35 sano, taasoo lagu magacaabo Media Satellite Teleport. Xaruntan ayaa muhiim u noqon doonta tebinta tooska ah ee warbaahinta dalka, iyadoo loo marayo nidaamka digital-ka iyo adeegyada dayax-gacmeedka (satellite).
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa Golaha Wasiirrada ku wargeliyay in xaruntan cusub ay leedahay awood ay uga maarmaan dalal kale marka loo baahdo baahinta barnaamijyada warbaahinta Qaranka, iyadoo si gaar ah loogu adeegsanayo dayax-gacmeedyo u gaar ah Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada, ayaa si weyn u bogaadiyay guusha Wasaaradda Warfaafinta, isagoo sheegay in talaabadan ay sare u qaadayso madax-bannaanida warbaahineed, xoojinta amniga, iyo kor u qaadista muuqaalka guud ee Warbaahinta Qaranka.
Wasaaradda Warfaafinta ayaa tilmaantay in mashruucani uu yahay mid:
• Kor u qaadaya tayada adeegyada warbaahineed ee Qaranka
• Xoojinaya kaabayaasha tiknoolajiyadda dalka
• Fursado shaqo u abuuri doona dhalinyarada
• Yareyn doona ku tiirsanaanta xarumo ku yaalla dalal kale
Xaruntan cusub ayaa beddeleysa war-laliskii hore ee dalka oo ahaa Teleport Analogue, kaas oo ku burburay dagaalladii sokeeye 34 sano ka hor.
Mashruucan wuxuu astaan u yahay dib u soo kabashada dhabta ah ee Soomaaliya iyo dedaalka joogtada ah ee dowladdu ugu jirto horumarinta isgaarsiinta iyo warbaahinta casriga ah.