WAR DEG-DEG AH – DAB XOOGAN OO KA KACAY KAALIN SHIDAAL OO KU TAALLA BALADXAAWO

0
62
{"data":{},"editType":"image_edit","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"picture_template_id":"","source_type":"vicut","client_key":"aw889s25wozf8s7e","capability_name":"retouch_edit_tool"}","pictureId":"1353B116-E433-4887-9387-082B795E964B","source_type":"vicut","exportType":"image_export"}

Baladxaawo, Gedo – Waxaa galabta dab xoogan ka kacay mid kamid ah kaalinaha shidaalka ee ku yaalla degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Dabka ayaa si degdeg ah u fiday, iyadoo ay cabsi xoog leh ka jirto inuu ku faafo meherado iyo guryo ku dhow halka uu ka kacay.

Maamulka degmada iyo shacabka deegaanka ayaa si wadajir ah ugu howlan daminta dabka, iyaga oo adeegsanaya waxyaabaha ay heli karaan maadaama aysan jirin adeeg rasmi ah oo dab-damis ah oo ka howlgala degmada.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaare hantiyadeed oo baaxad leh. Waxaa la filayaa in maamulka gobolka ama dowladda dhexe ay ka hadlaan xaaladdan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here