WAR DEG-DEG AH: Al-Shabaab oo La Wareegtay Gacanta Degmada Maxaas Kaddib Dagaal Culus

0
81

Dagaal culus oo socday saacado badan ayaa sababay in ciidamada dowladda iyo geesiyaasha deegaanka (Macawiisleyda) ay ka baxaan degmada Maxaas, taasoo keentay in kooxda Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegto magaalada.

Goobjoogayaal iyo ilo wareedyo amni ayaa RNN Somali TV u xaqiijiyey in dagaalka uu si toos ah uga dhacay gudaha magaalada, iyadoo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada deegaanka ay ugu dambeyn dib uga gurteen magaalada sababo la xiriira culayska dagaalka iyo xaalada deegaanka oo ahayd mid aad u kacsan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda si buuxda u maamusha degmada Maxaas, sida ay sheegayaan ilo ku sugan halkaas. Waxaa jira cabsi ku aaddan xaaladda dadka rayidka ah ee ku haray magaalada, iyadoo aysan weli jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda federaalka ama maamulka HirShabelle oo ku saabsan xaaladda Maxaas.

Wixii warar dheeraad ah ee kasoo kordha xaaladda Maxaas kala soco RNN Somali TV, warbaahinta kuu soo gudbisa xaqiiqda dhabta ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here